E-mail: info@iftinfoundation.org | Mobile: +252 (0)615507800

All posts in Competition

7 Nov 2019

Graduates Survey Data of Universities In Somalia 2017

Hay’adda Iftin oo soo bandhigtay daraasad ay ka samaysay ardaydii sanadkii hore (2017) ka soo qalinjebisay Jaamacadaha Dalka, sidoo kale soo bandhigtay hab casri ah oo lagu hubinayo shahaadooyinka dalka (eCheck).

Muqdisho, Isniin 4ta June 2018

Xaflad lagu soo bandhigayay daraasaddan ayaa maanta lagu qabtay xarunta akadeemiyada Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta ee magaallada Muqdisho.
Daraasaddan oo ay hay’adda Iftin ku howlanayd bilihii ugu dambeeyay ee sanadkii hore waxaa ka qaybqaatay ilaa 36 Jaamacdood oo ku kala yaalla 14 magaalo oo dalka ka mida kuwaas oo kala ah: Muqdisho, Boosaaso, Gaalkacyo, Garoowe, Baladweyn, Jowhar, Baydhabo, Kismaayo, marka, Qardho, Buuhoodle, Goldogob, Ceerigaabo, iyo Dhuusomareeb.

Ardayda guud ahaan sanadkii hore 2017 ka soo qalinjebisay Jaamacadaha dalka ayaa waxay gaarayaan ilaa 11,263 arday, iyadoo tirada wiilashu ay ahaayeen 7,460 taas oo ah 66% halka tirada gabdhuhuna ay gaarayeen 3,803 taas oo ayana u dhiganta 34%.
Tirada guud ee ardayda ee ah 11,263, waxaa magaallada Muqdisho keligeed ka soo qalinjebiyay 8,481 taas oo wadarta guud ka ah 75.30% oo u dhiganta 3/4.

Sahankan oo ah kii labaad oo ay samayso IFTIN FOUNDATION ayaa muujinaya tirada kulliyadaha ay ardaydaasi ka soo qalinjebiyeen kuwaas oo gaaraya 25 kulliyadood, sidoo kale waxay xogtani muujisay in saddexda kulliyadood ee ay ka soo baxeen ardeyda ugu badan ay kala yihiin:-

1. Maamulka Hawlaha (Business Administration) sida Accounting, Human Resources, Banking & Finance) oo tirada ka soo baxday ay gaareyso 1,732 qof taas ah 15.38%;
2. Kalkaaliyennimo iyo Umulisonnimo (Nursing & Midwifery) oo ay ka soo baxeen 1,503 qof taas ah 13.34%, iyo
3.Maamulka Guud (Public Administration) oo ay ka soo baxeen 1,316 qof taas oo ah 11.68%.

Halka saddexda kulliyadood ee ay ka soo baxeen ardeyda ugu yar ay kala ahaayeen:-

1. Tirakoobka iyo Qorsheynta (Statistics & Planning) oo ay ka soo qalinjebiyeen 11 arday keliya oo u dhiganta 0.10%.
2. Culuunta Siyaasadda (Political Science) oo ay ka soo qalinjebiyeen 18 arday taas oo u dhiganta 0.16%; iyo
3. Saxaafadda (Journalism) oo ay ka soo baxeen 33 qof taas oo ayana u dhiganta 0.29%.

Dhinaca kale Gabdhaha ugu badan waxay ka soo qalinjebiyeen saddexda kulliyadood ee kala ah:-
1) Nursing & Midwifery (1,125 gabdhood);
2) Public Health (655 gabdhood) iyo
3) Business Administration (370 gabdhood).

Halka wiilasha ugu badan ay ka soo qalinjebiyeen saddexda kulliyadood ee kala ah:-
1) Business Administration (1,362 wiil)
2) Computer Science & IT (1,118 wiil) iyo
3) Public Administration (1,048 wiil)

Daraasaddan ayaa sidoo kale muujisay sida jaamacadaha dalka ugu kala badan yihiin soo saarista ardayda jaamiciyiinta ah, 10ka jaamacadood ee ardayda ugu badan soo saaray waxay kala yihiin:- University of Somalia UNISO, Jobkey, East Africa (Boosaaso), Horseed, Plasma, Muqdisho, Salaam, SIMAD, Somali International University SIU iyo Benadir University.

Dhinaca kale Hay’adda IFTIN FOUNDATION waxay xafladdaasi ku soo bandhigtay qaab casri ah oo lagu hubinayo shahaadooyinka dalka, kaas oo lagu magacaabo eCheck Somalia.

“Echeck Somalia waa adeeg electronic ah oo lagu kalsoonaan karo, wuxuuna u sahlayaa cid kasta oo dalka gudihiisa iyo dibaddiisa joogta hubinta shahaadooyinka dugsiyada sare iyo kuwa jaamacadaha” Sidaa waxaa yiri Guddoomiyaha Hay’adda IFTIN FOUNDATION Mudane C/llaahi Maxa’ed Xasan “Black”.

Wuxuuna intaa ku daray in hubinta shahaadooyinka ay leeyhiin hay’adaha soo saaray shahaadooyinkaas sida Wasaaradda Waxbarashada, Jaamacadaha iyo dalladaha Waxbarashada, balse eCheck ay tahay aalad sahlaysaa howshaas.

Xafladdaan waxaa ka hadlay Masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirudowlaha Wasaaradda Waxbarashada Mudane Craxmaan Max’ud “Jaabiri”, Agaasimaha Arrimaha Bulashada ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Ismaaciil Macallin C/llaahi, Agaasime ku xigeenka Maamulka ee Rugta Ganacsiga Mudane Haashim Ducaale, Xoghayaha Guud ee Ururka Jamacadaha Soomaaliyeed Mudane C/kariin Xasan Jaamac iyo Guddoomiyaha Dalladda Waxbarashada ee SAFE, Mudane Craxmaan Macallin Axmed “Ablaal” iyo masuuliyiin kale.

 

31 Oct 2019

IF launches Somalia’s first Secondary Schoolgirls Competition

June 10, 2013 – Iftin Foundation (IF) has launched Somalia’s first schoolgirls’ competition. The program will run during the month of Ramadan (July 10 – August 6, 2013). It is attended by 224 schoolgirls from 32 of Mogadishu’s most popular secondary schools.

As the first of its kind, the program will inspire girls to stay in school, compete for prizes, learn from each other, and make sure they graduate school with the knowledge that enables them to help themselves, families and society.

The objectives of these projects include:

  • To improve the knowledge of the schoolgirls;
  • To give exclusive space to female secondary school students who normally would not have got much space at national quizzes, organized by media outlets in Somalia;
  • Create an atmosphere where schoolgirls can network, and cross any kid of borders;
  • To showcase the talents of the female students and help the public recognize that girls can learn and perform as much as boys;
  • The program will pave the way for more female participation in national school quizzes to be organized in the future;
  • The program will serve as a platform for introduction among girls in secondary school education.
  • The program will also deliver other messages to girls, including issues related to their health, FGM, the importance of education, early marriage, etc.
8 Jun 2013

Iftin Foundation launches Somalia’s first secondary schoolgirls competition

Iftin Foundation organized the first Secondary School girls Competition during the holy month of Ramadan (July 8 – August 7, 2013). The program was exclusively attended by female representatives from 32 of Mogadishu’s most popular schools and was broadcast on both Radio Iftin and Kalsan TV. As the first of its kind, the program inspired girls to stay in school, compete for prizes, learn from each other.

 tartanka

Majority of radio stations in Mogadishu broadcast quizzes and contests among various districts or schools of Mogadishu during the Holy month of Ramadan. However, as a male-dominated society, female participants have a little role, if any in such competitions. For example, in 2012 a quick survey revealed that the female participation of such quizzes was lower than 20%.

gabdho1Objectives:

The objectives of this project were:

  • To improve the knowledge of the schoolgirls;
  • To give exclusive space to female secondary school students who normally would not have got much space at national quizzes, organized by media outlets in Somalia;
  • To showcase the talents of the female students and help the public recognize that girls can learn and perform as much as boys;
  • The program will pave the way for more female participation in national school quizzes;
  • The program will serve as a platform for introduction among girls in secondary school education.
  • The program will also deliver other messages to girls, including issues related to their health, FGM, the importance of education, early marriage, etc.

gabdho2Beneficiaries:

The program was broadcast on Mogadishu’s Radio Iftin and Kalsan Tv and has reached more than 100,000 students and their families. The program attracted the attention of:

  • Fellow girls: We expect that girls at all primary and secondary schools closely followed this competition because it directly affects them.
  • Fellow boys: We expect that boys enthusiastically followed this program. The boys could be either brothers, classmates, friends, or just follow this unique program.
  • Parents: We expect parents followed this program to see how their daughters are performing in the competition.
  • Education stakeholders: The education stakeholders including teachers, principals, government, or organizations working in the education sector, learned the performance and gaps in girls’ education.
  • The public at large: The general public not only benefited from the questions and answers of the program but also saw the first-hand experience how girls can perform if they are given the right opportunity.