E-mail: info@iftinfoundation.org | Mobile: +252 (0)615507800

Archive for June, 2021

22 Jun 2021

Shirka dib u eegista Mashruuca Education outloud Project


Muqdisho (22-06-2021) Iftin Foundation waxay ka qay gashay kulanka dib u eegista Mashruuca Education outloud ee uu maal geliyo Global Fund. Kulanka waxaa kasoo qaybgalay hay’ado caalami ah iyo kuwo maxalli ah.
Iftin oo ah hay’ad ka shaqaysa tayaynta iyo horumarinta waxbarashada si sanadle ah usoo saarta Sahanka Qalinjebiyayaasha Dalka ayaa kasoo qaybgalayaashii la wadaagtay xog kooban oo ku aadan horumarada waxbarashada ee Dalka ka jirta. Sidoo kale Iftin shirka waxay la wadaagtay waxqabadka sanadka iyo hawlihii u qabsoomay.

Kulanka ka dib wafdi ka socday hay’adda OXFAM IBIS ayaa booqasho ku tegay xarunta hay’adda Iftin oo ay ka socdeen hawlo baxaad leh. Is xog waraysi ka dib, masuuliyiintii soo booqatay xarunta waxaa lala wadaagay buugta waxqabadka Iftin iyo cilmi baarisyo la xariira waxbarashada Dalka.

Madaxdii OXFAM IBIS iyo EFASOM oo aad u la dhacay hawlaha hay’adda Iftin Foundation ayaa ka mahadceliyay xogtii lala wadaagay iyo hawlaha baaxadda leh ee ay Iftin ka hayso waxbarashada Dalka.