E-mail: info@iftinfoundation.org | Mobile: +252 (0)615507800

Sahanka Qalinjebiyayaasha Dalka ee 2022

2 Aug 2023

Sahanka Qalinjebiyayaasha Dalka ee 2022

Hay’adda Iftin Foundation ayaa soo bandhigtay tirakoob ku saabsan ardayda ka qalinjebisay jaamacadaha dalka sanadkii 2022.

02, Agoosto 2023

Hay’adda Iftin Foundation ayaa soo bandhigtay daraasad ay ka samaysay ardaydii sanadkii hore ee 2022-kii ka soo qalinjebisay jaamacadaha dalka, taas oo ah markii Todobaad ee ay hay’addu ka sameyso dalka oo dhan.

Daraasaddan oo ah mid sanadle ah oo ay hay’adda Iftin soo saarto, ayaa sanadkan waxaa ka qaybqaatay 69 jaamacdood oo ku kala yaalla 14 magaalo oo dalka ka mida kuwaas oo kala ah:
1- Muqdisho,
2- Baydhabo,
3- Boosaaso,
4- Garoowe,
5- Baladweyne,
6- Hargeysa,
7- Burco,
8- Kismaayo,
9- Gaalkacyo,
10- Dhuusomareeb,
11- Laascaanood,
12- Cabudwaaq,
13- Jowhar, iyo
12- Marka.

Ardayda guud ahaan sanadkii 2022kii ka soo qalinjebisay Jaamacadaha dalka ayaa gaaraya illaa 25,230 arday, iyadoo tirada gabdhaha ay ahayd 9196 oo wadarta guud ka ah 36.54%. Halka tirada wiilashuna ahaayeen 16,034 oo wadarta guud ka ah 63.46%.

Sahankan ayaa sidoo kale lagu muujiyay guud ahaan magacyada kulliyadaha ay ardaydaasi ka soo qalinjebiyeen, kuwaas oo gaaraya 29 kulliyadood.

Xogtu waxay muujineysaa in afarta kulliyadood ee ay ka soo baxeen ardeyda ugu badan ay kala yihiin:-

1. Computer Science (IT & BIT) soo ay ka soo baxeen 3,136 arday oo wadarta guud ka ah 12.43%.
2. Nursing & Midwifery oo ay ka soo baxeen 2,945 arday oo wadarta guud ka ah 11.67%
3. Public Administration oo ay ka soo baxeen 2,672 arday oo wadarta guud ka ah 10.59%.
4. Business Administration sida Accounting, Human Resources, Banking & Finance) oo tirada ka soo baxday ay gaareyso 1,966 arday oo wadarta guud ka ah 7.79%;

Halka Afarta kulliyadood ee ay ka soo baxeen ardayda ugu tirada yar ay kala ahaayeen:-
1. Aviation oo ay ka soo baxeen 34 arday oo wadarta guud ka ah 0.13%.
2. Statistics and Planning oo ay ka soo baxeen 37 arday oo wadarta guud ka ah 0.14%.
3. Social Science oo ay ka soo baxeen 43 arday oo wadarta guud ka ah 0.17%;
4. Marine and Maritime oo ay ka soo baxeen 58 arday oo wadarta guud ka ah 0.22% .

Sahanka waxaa kaloo lagu soo bandhigay tirada gabdhaha iyo wiilasha iyo sida ay ku kala badan yihiin kulliyad kasta. Waxaana soo baxday in gabdhaha ugu badan ay ka soo qalinjebiyeen afarta kulliyadood ee kala ah:-

Gabdhaha ugu badan waxay ka soo qalinjebiyeen afartan kulliyadood:-
1. Nursing & Midwifery (2,442 gabdhood)
2. Public Health (892 gabdhood)
3. Medical Laboratory (881 gabdhood)
4. Public Administration (653 gabdhood)

Halka wiilasha ugu badan ay ka soo qalinjebiyeen afarta kulliyadood ee kala ah:-
1. Computer Science & IT (2,602 wiil)
2. Public Administration (2,019 wiil)
3. Business Administration (1,406 wiil)
4. Banking and Accounting (1,183 wiil)

Sidoo kale waxaa warbixintan lagu xusay sida magaalooyinka dalka ay ugu kala tiro badnaayeen soo saaridda ardeyda soo dhameysay jaamacadaha. Magaalada Muqdisho ayaa noqotay magaalada ay ka soo baxeen qalinjebiyeyaashii ugu tirada badanaa, waxaana Jaamacadaha Muqdisho ku yaala ka soo baxay arday gaaraysa 18,047 arday una dhiganta (71.53%), waxaana ku soo xigta magaalada Boosaaso oo soo saartay 3,560 oo u dhiganta 14.11%, halka magaalada ugu yar ee soo saartay ardayda ugu yar ay noqotay magaalada Laascaanood oo ay ka soo qalinjebiyeen 8 arday una dhiganta 0.03% oo keliya.

Madaxa Barnaamijyada C/qaadir Macallin Max’ed iyo Xiiriiriyaha Barnaamijyada Hay’adda Iftin Foundation oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in daraasaddani hadafkeedu yahay sidii loo ogaan lahaa tirada ardayda ka soo baxda jaamacadaha dalka, aqoonta ay soo barteen, deegaannada ay ku nool yihiin, tirada wiilasha iyo gabdhaha. Sidoo kale waxay xogtani sahleysaa in la ogaan karo sida ay isugu dhigmaan fursadaha shaqo ee dalka ka jira iyo tirada ardayda soo qalinjebisay ee shaqo doonka ah.

Dhinaca kale waxaa soo bandhigidda xogtan wehliyay dood cilmiyeed ay ka soo qabgaleen aqoonayanno iyo mas’uuliyiin ka kala socday jaamacada dalka iyo Wasaaradda waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare , waxaana looga dooday qodobbada ay ka mid ahaayeen: sababaha keenay in sanad kastaa 4 kulliyadood ay ardaydeena ugu badani ka soo baxaan, sidoo kale waxaa laga dooday sidii ardayda loogu dhiirigelin lahaa doorashada kulliyadaha faa’iidada u leh dhaqaalaha iyo horumarka dalka, sida Kulliyadda Beeraha, Xannaanada Xoolaha, Kalluumaysiga, Waxbarashada iyo Statistics and Planning.

Xafladda oo ay ka soo qaybgaleen marti sharaf kala duwan, waxaa goobta ka hadlay;
1. Abdulkadir Moalim Mohamed ( madaxa barnaamijyada Iftin Foundation).

2. Shaafici Diriye Abdi (Guddoomiye Ku xigeenka Jaamacadda SIU).

3. Yaasiin Maxamed Cibaar (Agaasimaha ururka bangiyada Soomaaliyeed).

4. Cabdullahi Macallin Axmed Sabaax (Masuul sare oo ka tirsan bangiyada Soomaaliyeed).

5. Prof. Xuseen Macallin Iimaan (Madaxda Bulshada Rayidka ah).

6. Maryan Aadan Amiin (Agaasimaha Arrimaha bulshada Xafiiska Raiisalwaaraha).

7. Ismail Yuusuf Cisman (Agaasimaha Tacliinta sare ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare).

8. Xildhibaan Luul Ibraahim Cumar.

Halkaan kala soo deg PDF

Loader Loading...
EAD Logo Taking too long?

Reload Reload document
| Open Open in new tab

Download