E-mail: info@iftinfoundation.org | Mobile: +252 (0)615507800

Hay’adda Iftin Foundation ayaa soo bandhigtay tirakoob ku saabsan ardayda ka qalinjebisay jaamacadaha dalka sanadkii 2021.

31 Aug 2022

Hay’adda Iftin Foundation ayaa soo bandhigtay tirakoob ku saabsan ardayda ka qalinjebisay jaamacadaha dalka sanadkii 2021.

31, Agoosto 2022

 

Hay’adda Iftin Foundation ayaa soo bandhigtay daraasad ay ka samaysay ardaydii sanadkii 2021-kii ka soo qalinjebisay Jaamacadaha dalka, taas oo ah markii lixaad ee ay hay’addu ka sameyso dalka oo dhan.

 

Daraasaddan oo ay hay’adda Iftin ku howlanayd bilihii ugu dambeeyay ee sanadkii hore waxaa ka qaybqaatay illaa 57 Jaamacdood oo ku kala yaalla 12 magaalo oo dalka ka mida kuwaas oo kala ah: Muqdisho, Kismaayo, Boosaaso, Gaalkacyo, Cadaado, Laascaanood, Guriceel, Baladweyn, Jowhar, Baydhabo, marka iyo Afgooye.

 

Ardayda guud ahaan sanadkii 2020kii ka soo qalinjebisay Jaamacadaha dalka ayaa gaaraya illaa 20,250 arday,  iyadoo tirada gabdhaha ay ahayd 7,812 oo wadarta guud ka ah 38.58%. Halka tirada wiilashuna ahaayeen 12,438 oo wadarta guud ka ah 61.42%.

 

Sahankan ayaa sidoo kale lagu muujiyay guud ahaan magacyada kulliyadaha ay ardaydaasi ka soo qalinjebiyeen, kuwaas oo gaaraya 27 kulliyadood.

 

Xogtu waxay muujineysaa in afarta kulliyadood ee ay ka soo baxeen ardeyda ugu badan ay kala yihiin:-

 

 

  1. Maamulka Hawlaha (Business Administration) sida Accounting, Human Resources, Banking & Finance) oo tirada ka soo baxday ay gaareyso 3,472 arday oo wadarta guud ka ah 17.15%;
  2. Nursing & Midwifery ooo ay ka soo baxeen 2,658 arday oo wadarta guud ka ah 13.13%
  3. Maamulka Guud (Public Administration) oo ay ka soo baxeen 2,331 arday oo wadarta guud ka ah 11.51%.
  4. Computer Science (IT & BIT) soo ay ka soo baxeen 2,246 arday oo wadarta guud ka ah 11.09%.

 

Halka Afarta kulliyadood ee ay ka soo baxeen ardayda ugu yar ay kala ahaayeen:-

  1. Journalism, Media and Mass Communication oo ay ka soo baxeen 5 arday keliya oo wadarta guud ka ah 0.02%.
  2. Xuquuqul Isnaanka (Human Rights), oo ay ka soo baxeen 8 arday oo wadarta guud ka ah 0.04%.
  3. Cilmiga iyo Daawaynta Ilkaha (Dentistry) oo ay ka soo baxeen 19 arday oo wadarta guud ka ah 0.09%;
  4. Barashada Dambiyada iyo Amniga (Criminology & Security Study) oo ay ka soo baxeen 38 arday oo wadarta guud ka ah 0.19% .

 

 

Sahanku wuxuu kaloo tilmaamay tirada gabdhaha iyo wiilasha ee kulliyad kasta si loo ogaado halka ay ku kala badan yihiin. Waxaana soo baxday in gabdhaha ugu badan ay ka soo qalinjebiyeen afarta kulliyadood ee kala ah:-

 

Gabdhaha ugu badan waxay ka soo qalinjebiyeen afartan kulliyadood:-

  1. Nursing & Midwifery (2,167 gabdhood)
  2. Business Administration (1,037 gabdhood)
  3. Public Health (969 gabdhood)
  4. Medical Laboratory (751 gabdhood) \

 

 

Halka wiilasha ugu badan ay ka soo qalinjebiyeen afarta kulliyadood ee kala ah:-

  1. Business Administration (2,435 wiil)
  2. Computer Science & IT (1,867 wiil)
  3. Public Administration (1,624 wiil)
  4. Medical Laboratory (998 wiil)

 

 

Sidoo kale waxaa warbixintan lagu xusay sida magaalooyinka dalka ay ugu kala tiro badnaayeen soo saaridda ardeyda soo dhameysay jaamacadaha. Magaalada Muqdisho ayaa noqotay magaalada ay ka soo baxeen qalinjebiyeyaashii ugu tirada badanaa, waxaana Jaamacadaha Muqdisho ku yaala ka soo baxay arday gaaraysa 16,747 arday una dhiganta (82.70%), waxaana ku soo xigta magaalada Boosaaso oo soo saartay 2,038 oo u dhiganta 10.06%, halka magaalada ugu yar ee soo saartay ardayda ugu yar ay noqotay magaalada Marka oo ay ka soo qalinjebiyeen 15 arday  una dhiganta 0.07% oo keliya.

 

Guddoomiyaha Hay’adda Iftin Foundation C/llaahi Maxamed Xasan ‘Black’ oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in daraasaddani hadafkeedu yahay sidii loo ogaan lahaa tirada ardayda ka soo baxda jaamacadaha dalka, aqoonta ay soo barteen, deegaannada ay ku nool yihiin, tirada wiilasha iyo gabdhaha. Sidoo kale waxay xogtani sahleysaa in la ogaan karo sida ay isugu dhigmaan fursadaha shaqo ee dalka ka jira iyo tirada ardayda soo qalinjebisay ee shaqo doonka ah.

 

Xafladda oo ay ka soo qaybgaleen marti sharaf kala duwan, waxaa goobta ka hadlay;

  1. Cusmaan Macallin Muxiyaddiin, Guddoomiyaha Ururrada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed.
  2. Cumar Cabdullaahi, Madaxa Ururka Jaamacadaha Soomaaliyeed.
  3. Cabdullaahi Macallin Axmed (Sabaax) oo ka tirsan ururka Bangiyada Soomaaliyeed.
  4. Maxamuud Cabdi Maxamuud, Guddoomiyaha Dalladda EFASOM.
  5. Abdinaasir Salaad Maxamuud Guddoomiyaha Ururka Macallimiinta Soomaaliyeed.
  6. Cabdulqaadir Maxamed Xasan, Guddoomiyaha Midowga Dugsiyada Gobolka Banaadir.
  7. Aadan Macallin Maxamed, masuul sare oo ka socday Guddiga Shaqaalaha Rayidka Soomaaliyeed.
  8. Ciise Maxamed Xalane, oo ka socday Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed.

 

 

Loader Loading...
EAD Logo Taking too long?

Reload Reload document
| Open Open in new tab

Download