E-mail: info@iftinfoundation.org | Mobile: +252 (0)615507800

The Next Economy Third Batch Kick off Session

7 Nov 2019

The Next Economy Third Batch Kick off Session

21 bisha March 2018 waxaa si rasmi loo daahfuray dufcaddii 3-aad ee dhalinyarada ka qeybgalaysaa program-ka Next Economy ee dhalinyarada Soomaaliyeed loogu sameeyo horumarinta xirfadaha shaqo, sahlidda shaqo helista iyo koru qaadista hal abuurka ganacsiga iyo shaqa abuurka, taas oo si lagu daahfuray xaflad wayn oo ka dhacday Hotel-ka Ramada ee Magaalada Muqdisho.

Xafladda waxaa ka soo qeybgalay 100-kii dhalinyarada ahaa ee loo qaatay dufcadda 3-aad, madax ka socota hay’adaha caalamiga iyo kuwa maxalliga ah ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho, madax ka socotay Bank-yada dalka sida Premier, Salaam bank, Dahabshil, IBS iyo Amal, sidoo kale waxaa ka soo qaybgalay madax ka socotay shirkadaha ganacsida sida Hormuud, Sometel, BECO, Sostech iyo kuwa kaloo badan.


Sidoo kale waxaa xafladda ka soo qeybgalay labada hay’adood ee Muqdisho sida wadajirka ah uga fuliya barnaamijka Next Economy ee Iftin Foudation iyo SOS Children’s Village Somalia. Waxaa xafladda laga soo jeediyey hadallo iyo qudbooyin aad u xiisa badan oo la xariiray muhiimadda Programka iyo dardaaranka loo jeedinayey dhalinyarada nasiibkoodu noqday inay ku guuleystaan dufcadda -3-aad.