Hay’adda Iftin Foundation ayaa soo daraasad ay ka samaysay ardaydii sanadkii 2020-kii ka soo qalinjebisay Jaamacadaha dalka, taas oo ah markii Shanaad ee ay hay’addu ka sameyso dalka oo dhan.

Daraasaddan oo ay hay’adda Iftin ku howlanayd bilihii ugu dambeeyay ee sanadkii hore waxaa ka qaybqaatay illaa 52 Jaamacdood oo ku kala yaalla 11 magaalo oo dalka ka mida kuwaas oo kala ah: Muqdisho, Kismaayo, Boosaaso, Gaalkacyo, Cadaado, Dhuusomarreeb, Baladweyn, Jowhar, Baydhabo, marka iyo Afgooye.

Ardayda guud ahaan sanadkii 2020kii ka soo qalinjebisay Jaamacadaha dalka ayaa gaaraya illaa 17,548 arday, iyadoo tirada wiilashu ay ahaayeen 12,196 oo wadarta guud ka ah 69.5%. halka tirada gabdhuhuna ay gaarayeen 5,352 taas oo ayana u dhiganta 30.5%.

 Sahankan ayaa muujinaya guud ahaan magacyada kulliyadaha ay ardaydaasi ka soo qalinjebiyeen, kuwaas oo gaaraya 26 kulliyadood.

 Xogtu waxay muujineysaa in afarta kulliyadood ee ay ka soo baxeen ardeyda ugu badan ay kala yihiin:-

  1. Maamulka iyo Maareynta (Business Administration) sida Accounting, Human Resources, Banking & Finance) oo tirada ka soo baxday ay gaareyso 2,644 qof oo wadarta guud ka ah 10%;
  2. Maamulka Guud (Public Administration) oo ay ka soo baxeen 2,571 qof oo wadarta guud ka ah 65%
  3. Kalkaaliyenimada iyo Umulisooyinka (Nursing and Midwifery) oo ay ka soo baxeen 2,270 qof oo wadarta guud ka ah 94%
  4. Cilmiga Kumbiyuutarka iyo Tiknoologiyada (Computer Science and Information Technology) oo ay ka soo baxeen 1,772 arday kaliya oo wadarta guud ka ah 10.10%.

Halka afarta kulliyadood ee ay ka soo baxeen ardeyda ugu yar ay kala ahaayeen:-

 Cilmiga iyo Dawaynta Ilkaha (Dentist) oo ay ka soo baxeen 4 qof oo wadarta guud ka ah 02%;

  1. Farmashiiste (Pharmacology) oo ay ka soo baxeen 14 qof oo wadarta guud ka ah 0.08%
  2. Saxaafadda iyo Warbaahinta (Journalism, Media and Mass Communication) oo ay ka soo baxeen 17 arday kaliya oo wadarta guud ka ah 0.10%.
  3. Qorsheynta iyo Xisaabaadka (Statistics and Planning) oo ay ka soo baxeen 27 arday oo wadarta guud ka ah 0.15%.

Sahanku wuxuu sidoo kale eegay tirada gabdhaha iyo wiilasha ee kulliyad kasta si loo ogaado halka ay ku kala badan yihiin. Waxaa soo baxday gabdhaha ugu badan ay ka soo qalinjebiyeen afarta kulliyadood ee kala ah:-

  1. Public Health (884 gabdhood)
  2. Business Administration (775 gabdhood)
  3. Medical Laboratory (727 gabdhood)
  4. Nursing & Midwifery (691 gabdhood)

Halka wiilasha ugu badan ay ka soo qalinjebiyeen afarta kulliyadood ee kala ah:-

  1. Public Administration (1,964 wiil)
  2. Business Administration (1,869 wiil)
  3. Nursing (1,579 will)
  4. Computer Science & IT (1,574 wiil)

Daraasaddan ayaa sidoo kale muujisay in ardayda ugu badani ka soo baxeen jaamacadaha ku yaalla magaalada Muqdisho.

Waxaa sidoo kale warbixinta lagu eegay sida magaalooyinka dalka ay u soo saaraan ardeyda soo dhameysa jaamacadaha. Magaalada Muqdisho ayaa magaalada ugu badan ee soo saartay qalinjebiyeyaasha ugu badan oo dhan 15,503 oo u dhiganta 88.34%, waxaana ku soo xigta magaalada Boosaaso oo soo saartay 781 oo u dhiganta 4.45%, halka magaalada ugu yar ee soo saartay ardayda ugu yar ay noqotay magaalada Marka oo ay ka soo qalinjebiyeen 8 arday  una dhiganta 0.04% oo keliya.

Madaxdii iyo marti sharaftii munaasabadda ka hadashay;

  1. Cabdulqaadir Nuur Xuseen (Maax) Guddoomiyaha Akadeemiyada Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta Soomaaliyeed furay munaasabadda oo lagu qabanayey xaruntiisa kana sheekeeyey sida loogu baahanyahay in dalku yeesho dad wax deraaseeya oo natiijo ummadda soo hordhiga.
  2. Cabdiwali Maxamed Axmed madaxa barnaamijyada Iftin Foundation oo faahfaahiyey ujeeddada sahankaan ay sanad-walba u sameyso Hay’adda Iftin Foundation.
  3. Xildhibaan Prof. Maxamed Cumar Dalxa oo aad ugu dheeraday muhiimadda ay leedahay in xogta waxbarashada la helo si loogu daro barnaamijyada horumarinta dalka.
  4. Siciido Maxamed Xaashi oo ka tirsan Guddiga la dagaalanka musuqmaasuqa qaranka.
  5. Xasan Khaliif Xasan Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga la dagaalanka Musuqmaasuqa qaranka.
  6. C/naasir Salaad Maxamuud guddomiyaha ururka macallimiinta qaranka
  7. Bashiir Awdiini madaxda Jamaacadda Salaam isla markaasna ka tirsan ururka jaamacadaha Soomaaliyeed.
  8. Cabdishakuur Xasan Faqi Agaasimihii hore ee Hiddaha iyo Tacliinta Sare
  9. Ismaaciil Yuusuf Cusmaan Agaasimaha Tacliinta Sare ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiaddaha iyo Tacliinta Sare.

 

Posted in
Uncategorized

Post a comment

Your email address will not be published.

Founded in 2012 in Mogadishu, Iftin Foundation catalyzes change and fosters development through education, empowerment, and community support. We are a non-profit organization dedicated to unlocking the potential within our society by providing pathways for education, skill development, entrepreneurship, shelter, and advocacy. Our name, Iftin, meaning ‘light’ in Somali, reflects our mission to illuminate the path to progress and knowledge in a region ready to emerge from the shadows of its challenging past. We are committed to nurturing a future where everyone can access the tools and opportunities needed to succeed. Our integrated approach ensures that we address both immediate needs and long-term goals, aiming to build a resilient and self-reliant community.
© 2024 Iftin Foundation. All Rights Reserved.