Iftin Foundation

Shirka dib u eegista Mashruuca Education outload Project

Muqdisho (22-06-2021) Iftin Foundation waxay ka qay gashay kulanka dib u eegista Mashruuca Education outloud ee uu maal geliyo Global Fund. Kulanka waxaa kasoo qaybgalay hay’ado caalami ah iyo kuwo maxalli ah.
Iftin oo ah hay’ad ka shaqaysa tayaynta iyo horumarinta waxbarashada si sanadle ah usoo saarta Sahanka Qalinjebiyayaasha Dalka ayaa kasoo qaybgalayaashii la wadaagtay xog kooban oo ku aadan horumarada waxbarashada ee Dalka ka jirta. Sidoo kale Iftin shirka waxay la wadaagtay waxqabadka sanadka iyo hawlihii u qabsoomay.

Kulanka ka dib wafdi ka socday hay’adda OXFAM IBIS ayaa booqasho ku tegay xarunta hay’adda Iftin oo ay ka socdeen hawlo baxaad leh. Is xog waraysi ka dib, masuuliyiintii soo booqatay xarunta waxaa lala wadaagay buugta waxqabadka Iftin iyo cilmi baarisyo la xariira waxbarashada Dalka.

Madaxdii OXFAM IBIS iyo EFASOM oo aad u la dhacay hawlaha hay’adda Iftin Foundation ayaa ka mahadceliyay xogtii lala wadaagay iyo hawlaha baaxadda leh ee ay Iftin ka hayso waxbarashada Dalka.

 

 

Scroll to Top
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.