E-mail: info@iftinfoundation.org | Mobile: +252 (0)615507800

The Next Economy program Phase Two Launching Event

7 Nov 2019

The Next Economy program Phase Two Launching Event

20-ka Feberaayo 2019 waxaa lagu daahfuray magaalada Muqdisho wajiga labaad ee mashruuca the Next Economy ee sedexdii sano ee la soo dhaafay ay soo wadeen hay’adaha Iftin Foundation iyo SOS Somalia ee qeybta ka ahaa mashruuca ballaaran ee the Next Economy ee ka socda waddamo dhowr ah ee tirsan qaaradda Africa.

Waxaa munaasabadda lagu soo bandhigay guulihii ay Iftin Foundation iyo hay’adaha kale mashruuca ka shaaqeeyaahi ay ka gaareen wejigii koowaad ee dhammaaday sanadkii la soo dhaafay ee 2018.

Waxaa goobta ka hadlay mas’uuliyiinta SOS iyo Iftin Foundation oo ay ka mid ahaayeen Guddoomiyaha Iftin Foundation Mudane Abdullahi Mohamed Hassan oo faahfaahin dheer ka bixiyey qaabka lagu dhaliyey guulaha la gaaray iyo sida Iftin ugu taagantahay horumarinta dhallinyarada Soomaaliyeed. Waxaa sidoo kale goobta ka hadlay Osman Shukri iyo Abdirahman Hassan oo ka tirsan madaxda hay’adda SOS oo faahfaahiyey doorka SOS bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan dhallinyarada. Waxaa goobta kalmado wax ku ool ah ka jeediyey martisharaf badan oo munaasabadda daahfurka ah ka soo qeybgalay.

Mashruuca wejigiisa labaad ayaa socon doona mudda sedex sano ah.