E-mail: info@iftinfoundation.org | Mobile: +252 (0)615507800

The Next Economy Program Evaluation Annual-Conference

7 Nov 2019

The Next Economy Program Evaluation Annual-Conference

Markay taariikhdu aheed 5th feberaayo 2019 waxaa magaalada Nairobi ka furmay shir ballaaran oo ay ka qeybgalayaan in ka badan 20 hay’adood oo ka kala socda in ka badan 15 waddan oo ay ka mid tahay Iftin Foundation.

Shirka waxaa lagu qiimeynayaa guulihii laga gaaray mashruuca the Next Economy iyo saameyntii uu ku yeeshay bulshada gaar ahaan dhallinyarada qaaradda Africa sedexdii sano ee la soo dhaafay wuxuuna soconayaa muddo 5 maalin ah.

Shirka waxaa la soo gaban gabeeyay markii taariikhdu ku beegneed  8 feberaayo 2019 waxaa magaalada Nairobi lagu soo gabangabeeyey shirkii qiimeynta mashruuca the Next Economy ee muddada 5 cisha ah socday magaalada Nairobi. Shirkaan waxaa ka soo qeybgalay dadka socday hay’ado iyo wadadama oo ay ka mid tahay hay’adda Iftin Foundation oo ka masuul program-ka the Next Economy ee Somalia.

Shirka waxaa lagu soo bandhigay guulihii la gaaray 3-dii sano ee la soo dhaafay iyo caqabadihii lala kulmay. Waxaa laysku dhaafsaday waaya arragnimadii waddamada kala duwan ee program-ku ka socday lagala kulmay ugu dambeyna waxaa layskula meel dhigay qorshaha sanadkaan bilowga ah ee 2019.