E-mail: info@iftinfoundation.org | Mobile: +252 (0)615507800

Kulanka u Dhexeeya ASU iyo Iftin Foundation

28 May 2022

Kulanka u Dhexeeya ASU iyo Iftin Foundation

28th May, 2022

Mas’uuliyiin ka socday Iftin Foundation ayaa 28-kii May, waxay kulan shaqo oo muhiim la yeesheen Ururka Jaamacadaha Soomaaliya (Association of Somali Universities ‘ASU”), kulankaas oo ka dhacay xarunta ururka ee ku taalla magaalada Muqdisho uuna guddoominayey Guddoomiyaha ururka Jaamacadaha Soomaaliya Dr. Bideey, waxaa wada hadlay sii dardargelinta wada shaqeyntii iyo howlihii iskaashiga dhanka horumarinta waxbarashada ee horay u jiray oo ay ugu horreeyaan Sahanka qalinjebiyeyaasha jaamacadaha dalka oo Iftin Foundation sanad walba soo soo saarto.

Intii kulanku socday waxay mas’uuliyiinta labada dhinac isla soo qaadeen sida ugu habboon ee loo abuuri karo hindiseyaal cusub oo laga wada shaqeyn karo, waxaana laysla gartay in guddi labada dhinac ah ay ka fariistaan arrintaas qorshena ka keenaan xilliyada nagu soo aaddan.

Hay’adda Iftin Foundation waxay hadda ku howlantahay oo meel gabangabo ah u maraya daraasadda sanadkii 6-aad oo xariir ah lagu sameynayo tirada ardada ka qalinjebineysa jaamacadaha oo dhan.