E-mail: info@iftinfoundation.org | Mobile: +252 (0)615507800

Iftin Foundation Organized TV-debate About Role of Civil Society and Private Sector on Youth Development

7 Nov 2019

Iftin Foundation Organized TV-debate About Role of Civil Society and Private Sector on Youth Development

11 July 2018, Arboco waxaa lagu qabtay Diplomatic HOTEL ee magaalada Muqdisho dood cilmiyeed ku saabsanaa doorka Ganacsatada iyo Bulshada rayidka ee ku aaddan horumarinta dhalinyarada Soomaaliyeed ee ka soo qalinjebinaya Jaamacadaha dalka dood cilmiyeedkaas oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda Iftin Foundation ee ka shaqeysa horumarinta iyo tayeynta dhalinyarada Soomaaliyeed.

Dood cilmiyeedka waxaa ka qeybgalayey xooggeeda aqoonyahanno ka kala socday Bangiyada shirkadaha isgaarsiinta iyo kuwale iyo madax ka socotay bulshada rayidka sida Hay’adaha iyo Jaamacadaha ee ku mideysan Jilaayaasha aan dowliga ahayn ee SOSCENSA.

Sidoo kale waxaa dood cilmiyeedka lagu marti qaaday tiro badan oo ka mid ah dhalinyarada Soomaaliyeed ee soo qalinjebiyey oo fekerkooda cabirayey su’aalana waydiinayey mas’uuliyiinta dooddu u dhexeysay.

Waxaa gabangabadii dood cilmiyeed laga soo saaray fekerro iyo talooyin wax ku ool ah oo wax looga qaban karo dhibaatooyinka dhalinyarada haysta. Waxaaa sidoo kale laysku raacay in Jaamacadaha, Hay’adaha iyo Ganacsatada ay si wada jira oo isla fal geli kara uga wada shaqeeyaan arrimaha dhalinyarada. Waxaa sidoo kale loogu baaqay Dowladdu inay door muhiim ah ka qaadato maareynta arrinta da’yarta Soomaaliyeed.