E-mail: info@iftinfoundation.org | Mobile: +252 (0)615507800

Entrepreneurship Encouragement and Innovation

7 Nov 2019

Entrepreneurship Encouragement and Innovation

Talaado 7 August 2018, Mogadishu Somalia

Hay’adda Iftin Foundation ayaa qabatay munaasabad heer sare ah oo loogu magac diray dhiirrigelinta hal abuurka ganacsiga iyo afkaarya cusub (entrepreneurship and innovation).

Munaasabaddaan oo ka mid ah shaqooyinka joogtaa ah ee ay qabato Hay’adda Iftin Foundation waxay ku soo bandhigtay warbixin ka hadlaysay heerka shaqa la’aanta dalka gaar ahaan dhanka dhalinyarada Soomaaliyeed taas oo ka sareysa 67%.

Munaasabadda waxaa ka soo qeybgalay mas’uuliyiin kala duwan oo ka kala socday Bangiyada, shirkadaha isgaarsiinta, Hay’ado, madax ka socotay Jaamacadaha dalka, madax ka socotay bulshada rayidka ah iyo mas’uuliyiin ka socday dowladda gaar ahaan gobolka Banaadir iyo xafiiska Ra’iisalwasaaraha, aqoonyahanno iyo dhallinyaro.

Munaasabadda waxaa lagu soo bandhigay dhallinyaro ay tababartay Iftin Foundation oo ku guuleystay ganacsiyo ay ayagu leeyihiin iyo kuwo ay tababartay oo diyaar u ah inay hirgeliyaan himilooyinkooda ganacsi.

Dhammaan madaxdii iyo marti sharaftii ka hadashay Munaasabadda ayaa ku ammaanay Iftin Foundation dedaalkeeda iyo doorkeeda shariifka ee ay ku horumarinayso mushtamaca Soomaaliyed gaar ahaan dhallinyarada.